Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Ka Wabrixiyey Waxqabadkii Wasaaradda

HomeWararka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Ka Wabrixiyey Waxqabadkii Wasaaradda

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa u mahadceliyay Guddiga Dhaqaalaha Golaha Shacabka,

Eheladda Caasho ilyaas oo Radio daljir uga waramay qaabki loo dilay gabadhooda (dhegayso|daawo)
Wasiirada Magacaaban oo Golaha Shacabka codka kalsoonida uga raadinaya Xukuumadda
Dowladda Soomaaliya oo ka shaqeynaysa qorshe sannadka 2023 looga qaadayo cunaqabataynta hubka

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa u mahadceliyay Guddiga Dhaqaalaha Golaha Shacabka, kuwaasi oo qabtay howlo badan oo la xiriiira Miisaaniyadda Dowladda 2017-ka.

Wuxuu sheegay Miisaaniyadan in ay leedahay muhiimad gaar ah, oo ay siineyso arrimaha amniga, oo Ciidamada amniga loogu tala galay, hadii ay ahaan lahaayeen mushaaraadkooda, in cunooyin loogu iibiyo.

Wasiir Bayle ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka ay hada ku socoto Miisaaniyadda Dowladda bixinteeda, inkastoo uu sheegay weli inaan lagaarin meeshii loogu tala galay.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiirka lacagaha soo gala Dowladda in ay ka soo galaan laba meelood oo kala ah lacago laga aruuriyay shacabka Soomaaliyeed, iyo lacagaha dibadda ka yimaada oo ay ugu horeyso Dowladda Turkiga, taasi oo si joogto ah kab u siisa Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ugu dambeyntii sheegay Bankiga Aduunka in Dowladda uu ugu deeqay lacago, taasi oo qeyb ka mid ah lagu shaqeeleysiinayo dhalinyarada Soomaaliyeed, halka qeybta kalena lagu dhisayo Wadooyinka bur bursan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: