Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Maanta Xisaabiyaal u magacaabay gobolada Sanaag&Haylaan (Sawiro)

HomeWararka

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Maanta Xisaabiyaal u magacaabay gobolada Sanaag&Haylaan (Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyaadda Dawladda Puntland C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaje ayaa Xisaabiye Guud iyo kuxigeenkiisa u magacaabay goboladd Sanaag iy

Ciidamada Jubbaland oo faahfaahin kabixiyeey howlgalo ay sameyeen
Xildhibaanada Puntland u matala baarlamaanka Soomaaliya oo dacwad ka gudbinaya Wasiir Goodax Barre (daawo)
Faahfaahin Qaraxyada Afurur: Qaraxyo Dhimasho iyo Dhaawac Badan Geystay oo ka Dhacay Afurur

Wasiirka Wasaaradda Maaliyaadda Dawladda Puntland C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaje ayaa Xisaabiye Guud iyo kuxigeenkiisa u magacaabay goboladd Sanaag iyo Hayalaan Axmed Aadan Xuseen iyo ku xigeenkiisa Siciid Daahir Qodax.

Xaflada Xilwareejinta Xisaabiyayaashii hore iyo kuwa la magacaabay ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Maaliaydda Dawldda Puntalnd ee magaalada Badhan,waxana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda,Xisaabiyah Guud ee Dawladda Puntland, Maamulaha Bangiga laanta Boosaaso iyo Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga.

Kulankan waxaa ugu horayn ka hadlay Xisaabiyaha Guud ee Dawaldda Puntland C/risaaq Siciid Nuur,waxana uu xog dheeri ah ka siiyay Wasiirka Maaliaydda shaqada gobolka ee dhanka cashuuraha iyo hab u socodka shaqada.

Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland C/qaadir Siciid Carshe (Dhaqaaje) ayaa dardaaran adag oo ku aadan dhanka shaqada iyo dardargelinta Soo xeraynta Dakhli u jeediyay masuuliyiinta cusub ee xilka loo magacaabay.

Xisaabiyaha Guud iyo kuxigeenkiisa ayaa lagu wareejiyay Xogihii kala duwanaa ee Wasaaradda Maaliyadda ee goobolada Sanaag iyo Haylaan,waxana ay balan qadeen in ay ku shaqayn doonaan Hufnaan iyo dadaal.

Diwaanka Wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: