Faahfaahin Qaraxyada Afurur: Qaraxyo Dhimasho iyo Dhaawac Badan Geystay oo ka Dhacay Afurur

Faahfaahin Qaraxyada Afurur: Qaraxyo Dhimasho iyo Dhaawac Badan Geystay oo ka Dhacay Afurur

Inta illaa hadda la ogyahay 7 ruux ayaa ku dhimatay, 24 kalena waa ay ku dhaawacmeen labo Qarax oo mataano ahaa oo maanta salaaddii duhur kadib ka dhacay tuulada Afurur oo ka tirsan magaalada Bossaso ee xarunta gobolka.

Dadka ku dhintay qaraxyadaasi oo ahaa miinooyin lagu aasay bartamaha tuulada Afurur ayaa 5 ka mid ahi ay ahaayeen dad shacab ah oo ku ganacsanayey goobta wax ka dhaceen, halka 2da kalena ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dawladda Puntland ee halkaasi fariisinka ku leh sida ay Daljir u xaqiijiyeen saraakiil ciidanka daraawiishta ahi.

Dhinaca kale dadka ku dhaawacmay qaraxyadaasi miino oo daqiiqado isku dhaw dhacay oo gaarayey illaa 24 qof, ayaa Daljir loo sheegay in ay dhammaantood ahaayeen ciidamada dawladda.

Saraakiisha ka tirsan ciidanka daraawiishta ee Radio Daljir u xaqiijiyey khasaaraha weeraradaasi miino ay geysteen, waxaa kale oo ay noo sheegeen sida qaraxyadu u dhaceen, ciidankana loola bartilmaameesaday, taasoo ay ku sheegeen in miinooyinka lagu aasaday goob suuq ah oo Qaadka lagu iibiyo, iyadoo qaraxa koowaad lala eegtay ciidanka markii qaadku soo dhacay, ayna yimaadeen goobta lagu gadayey, halka qaraxa labaadna uu dhacay markii lagu soo yaacay dhaawacii iyo dhimashadii uu dhaliyey qarax hore.

Sida naloo xaqiijiyey badanka khasaaraha dhaawac iyo midka dhimasho waxaa geystay qaraxii labaad, kaasoo lagu beegay qarxintiisa xilli dad badan oo ciidamada dawladdu ugu horreeyaan ay goobta ku soo urureen.

Badanka askartii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Bossaso, inkastoo markii hore la geeyey isbitaalka degmada Carmo ee gobolka Bari, waxaana qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus.

Bishii Juun siddeeddeedii ee sannadkaan 2017 (8 Juun 2017) ayay ahayd markii Alshabaab weerar kan ka baaxad weyn ay ku qaadeen saldhigga ciidamada daraawiishta Puntland ay leeyihiin tuulada Afurur, weerarkaasi oo dhaliyey khasaaro badan oo iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiidka ciidamada.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com