Wasiirka Gaashandhiga oo sheegay in la dhisayo Ciidamada Militariga

HomeWararka

Wasiirka Gaashandhiga oo sheegay in la dhisayo Ciidamada Militariga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in uu meel gabagabo ah marayo qorshe ay wasaarada gaashaandhigg

Bilayska SSC-KHAATUMO oo amarro adag ku soo rogey shacabka Laascaanood
FAROOLE: Xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka Sare oo dib loogu doortay Garoowe
Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif & Farmaajo oo markii ugu horreysay hal war saxaafadeed isla soo saaray.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in uu meel gabagabo ah marayo qorshe ay wasaarada gaashaandhiggu ku sameyneyso Ciidamada Booliiska ee qaabka Militariga u tababaran si ay uga howlgalaan Xarumaha Ciidamada Milatariga.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu xaqiijiyay in la diyaariyay shuruucda loo marayo diyaarinta ciidankaan, sharciga lagu hagayo iyo Anshaxa ciidanka si howshaan u fududaato.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo ku xigeennadiisa ayaa ku howlan hirgelinta Ciidamada Booliis Militaare oo keliya haatan ka howlgala Madaxtooyada & Wasaaradda Gaashandhigga, Ciidankaan waxa aan ugu talagalnay in la dejiyo goobaha Militariga iyo AMISOM ay qabsadaan si ay ugu sii dhaqaaqaan goobo cusub” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Qorshahaan ayaa qayb ka ah tallaabooyin loo dejiyay xaaladda kala guurka ah ee bixintaanka Askarta Midowga Midowga Afrika ee AMISOM si Ciidamada Federaalka loo tijaabiyo in ay la wareegi karaan mas’uuliyadda sugidda amniga Dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: