FAROOLE: Xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka Sare oo dib loogu doortay  Garoowe

HomeWararka

FAROOLE: Xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka Sare oo dib loogu doortay Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa haatan ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, waxana Golaha wakiilada Puntland ay dooranayaan

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Safiirka Ruushka ee dalka Soomaaliya.(Daawo)
Nairobi Xarunta aqriska & qoraalka ee Owjaamac oo lagu qabtay kulan loogu tacsiyeeynayay AHN Abwaan Jaamac Kadiye.
Ciidamada Bariga Harargee oo Tuli Guuleed ka bilaabay shir nabadeyn Soomaalida iyo Oromada

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa haatan ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, waxana Golaha wakiilada Puntland ay dooranayaan maanta 11-ka kursi oo Puntland ku leedahaya Aqalka sare.

Kurisigii ugu horreeyay ee doorashada ayaa waxaa Maanta ku tartamay Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole oo Afartii sano ee la soo dhaafay kursiga ku fadhiyay iyo Maxamed Cusmaan Colaad.

65 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ku sugan hoolka doorashada, waxaana Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole u codeeyay 54 Cod, isaga oo ku guuleystay kursiga Aqalka Sare halka Maxamed Cusmaan Colaad uu helay 11 Cod

Goordhow waxaa Xildhibaannada Golaha Wakiilada ay cod gacan taag ah ugu codeeynayaan kaliya musharax Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) maadaama Kowther Cabdullaahi Xersi oo la tartami laheyd ay u tanaasushay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: