Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddoomiye magacaabay

Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddoomiye magacaabay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa uu Maanta ku Magacaabay Guddoomiyaha gudigga qoxootiga iyo barakacayaasha.

Wareegtada ayaa waxaa Eng Cabdi Xuseen Maxamed u magacaabay loogu Magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha gudigga qoxootiga iyo barakacayaasha, waxaana uu horay u soo noqday Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Wareegtada Magacaabista ayaa waxaa lagu sheegay in markii la arkay baahida loo qabo in xal waara loo helo qoxootiga iyo barakacayaasha lana tashaday Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee jubbaland uu xilkaasi Magacaabay.

Magacaabista Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ee Guddoomiyaha gudigga qoxootiga iyo barakacayaasha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo uu ka fatahay Wabiga, isla markaana dad badan ay ka barakaceen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com