Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka hadlay la dagaallanka musuqa

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka hadlay la dagaallanka musuqa

Wasiirka Cadaaladda iyo dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Cali, ayaa sheegay in qorshaha la dagaallanka musuq maasuqa ee dowladdu uu marayo meel wanaagsan.

Wasiirka ayaa sheegay in guddiga la dagaallanka musuqa uu yahay mid dastuuri ah dhismahiisuna uu haatan socdo, lana hor geeyn doonno golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka si loo meel mariyo, isagoo intaasi raaciyay in ay sii wadi doonaan howlaha horyaalla ee lagama maarmaanka u ah la dagaallanka Musuqmaasuqa shuruucdiisa kalena ay dhamaystiri doonaan.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Idiris ayaa sheegay in Diinta Islaamka ay qof kasta oo muslim ah farayso Ilaalinta amaanada, wuxuuna musuqu ku tilmaamay mid xaaraam ah oo uu Alle fogeeyay, isagoo dowladda ku ammaanay tallaabada ay u qaadday la dagaallanka musuqa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com