Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Sheybaarka Qaranka

HomeWararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Sheybaarka Qaranka

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta kormeeray xarunta Shaybaarka Q

Ciidanka Difaaca Puntland oo Kor Kala Socda Dhaqaaqa Daacish Kadib Duqayntii Caluula
Ciidamadda dowladda oo soo afjaray weraarkii Hotel Elite
LAASCANOOD: Saraakisha SSC -KHAATUMO ayaa faahfaahin kabixiyeey Xaaladda Magaaladda

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta kormeeray xarunta Shaybaarka Qaranka.

Madaxa Shaybaarka Qaranka Dr Maxamuud Axmed ayaa ku soo dhaweeyey xarunta Shaybaarka Wasiirka, isagoo warbixin kooban ka siiyay Wasiirka howllaha Shaqo ee Shaybaarka, tallaabooyinkii ay qaadeen iyo caqabadaha yaryar ee ku hor gudban howllahooda shaqo si loo sii horumariyo isla markaana looga gudbo caqabadaha jira ee xalka deg degga ah u baahan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Shaybaarka iyo shaqada adag ee uu u hayo Bulsho waynta Soomaaliyeed, waxa uuna mid mid u dul istaagay Qalabka iyo Xafiisyada ay Ku shaqeeyaan Shaqaalaha Shaybaarka si loo hubiyo howllaha ka socoda, maadaama Xarunta ay tahay mid muhim u ah hanaanka Caafimaadka dalka iyo habsami u socodka howllaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu sii horumarin doonto howlaha Shaqo ee Shaybaarka taas oo qeyb ka ah hiigsiga horumarinta adeegga Caafimaad ee guud ahaan dalka si loo xaqiijiyo howlaha horutabinta leh ee horyaalka Wasaaradda Caafimaadka iyadoo la raacayo qorshaha xukuumadda ee ku aadan ballaarinta iyo tayeynta Caafimaadka dalkeen.

Dr Cali Xaaji Aadam ayaa xusay inay ka go’antahay xaqiijinta yoolka Caafimaadka iyo daryeelka dadka, iyadoo marba marka ka dambeysa qaadeysa tallaabo kasta oo sida ugu haboon loogu gaari karo adeeg Caafimaad oo dhamaystiran, isla markaana laga hirgeliyo guud ahaan Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: