Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka oo Heshiis Suudan kula gashay Dhigeeda Sudaan

HomeWararka

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka oo Heshiis Suudan kula gashay Dhigeeda Sudaan

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Heshiis Iskaashi wada shaqeyn ah la saxiixatay dhigeeda Dalka Suuda

MAANHADAL: Maxaa horyaala shacabka iyo maamulka SSC Khaatumo?
Degmadda Cagaaran oo laga hirgaliyeey Mashaaric hormarineed (dhegayso)
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Heshiis Iskaashi wada shaqeyn ah la saxiixatay dhigeeda Dalka Suudaan Baxri Abul Qardah.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo mudo afar cisho ah howlo shaqo u joogty Magaaladda Khartuum ee Xaruunta Dalka Suudaan ayaa Heshiis iskaashi Caalamiha ah oo dhaxmara Labada Wasaaradood ee Suudaan iyo Soomaaliya Quseeyana Dhanka Caafimaadka kula saxiixatay dhigeeda Dalka Suudaan Baxri Abul Qardah,

iyadoo uu jiray Heshiisyo horay ay u wada galeen Labada Wasaaradood hadana Heshiiska la galay waxa uu daba joogay kii hore inkastoo qodobo qaar lagu kordhiyay halka kuwo kalana laga dhimay sida ay hadalka u dhigtay Wasiiraka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo la hadleysay Warbaahinta Qaranka.

Heshiiska ay wada galeen labada Wasaaradood ee Caafimaadka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa inta baadan waxa uu xoogga saarayaa sidii tababaro dhanka Xeel dheerayaasha Caafimaadka la isu dhaafsan lahaa ,Shuruucda Caafimaadka,Dawooyinka ,iyo Adeegyada Caafimaadka la bixiyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Gabagabadii Heshiiska ayaa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur waxay u mahadcelisay dhigeeda Dalka Suudaan Baxri Abul Qardah iyadoo sidoo kale u Mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Suudaan sida ay u jecelyihiin marwaliba garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: