Wasiirka Amniga: “Waxaan Gacanta ku Dhignay Ciise Tarabuun, Madixii Amniyaadka Alshabaab ee Muqdisho”

HomeWararka

Wasiirka Amniga: “Waxaan Gacanta ku Dhignay Ciise Tarabuun, Madixii Amniyaadka Alshabaab ee Muqdisho”

Codka Wasiirka Amniga oo soo bandhigay Ciise Tarabuun, Madaxa Amniyaadka Alshabaab. http://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/594832d5040100231

Xulashada Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Beesha Caalamka oo war kasoo saartay shirkii Madaxda Qaranka
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso/daawo)

Codka Wasiirka Amniga oo soo bandhigay Ciise Tarabuun, Madaxa Amniyaadka Alshabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay howlgal laga sameeyey qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha in lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Kooxda Alshabaab ee gobolka Banaadir Cabdiwahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun), waxana howgalkan uu dhacay maanta oo Isniin ah.

Wasiirka Amniga, Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen Ciidanka Xasilinta Caasimadda.

“Waxaa maanta qabanay cWahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa,” ayuu yiri Wasiirka Amniga oo raaciyey.

Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda ay leeyihiin howlgalladan ayaa tilmaamay;

“Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaan dalka ka wadnay howlgallo ballaaran oo lagu xasilinayo amniga caasimadda, waxana lagu guuleystay in laga hortago falal badan oo cadowgu maleegayeen”.

Dhanka kale Wasiirka ayaa ka hadlay jidadja xaafadaha dhex-dooda maray ee Caasimadda oo qeybo kamid ah la xiray, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dulqaad ay muujiyaan maadaama waxa laga shaqeynayo ay yihiin amni, una baahan yahay feejignaan dheeri ah.

“Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeya ciidamadda howlgalka ku jira”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa hambalyo u diray Ciidamadda Xasilinta Caasimadda, waxana uu ku bogaadiyey xoojinta guushan la gaaray.

Xigasho Wasaaradda Amniga

& Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: