Beesha Caalamka oo war kasoo saartay shirkii Madaxda Qaranka

Beesha Caalamka oo war kasoo saartay shirkii Madaxda Qaranka

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa soo dhoweeyay go’aannadii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya (NSC) uu ku qaatay kulankii 6-10 Febraayo 2018.

Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga. Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan.

Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Beesha caalmka hadalkeeda amaan iyo caaybah kuu ahaado looma baahna

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com