Wasiirka Amniga Galmudug oo sheegay in qarax ay ka hortageen

Wasiirka Amniga Galmudug oo sheegay in qarax ay ka hortageen

Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug ayaa faahfaahin ka bixisay howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobolka Mudug, kuwaasoo ka socda degaano ku yaalla agagaarka degaanka Bacaadweyn.

Galmudug ayaa sheegtay in Hawlgal ballaaran iyo weerar jihooyin kala duwan leh ayay saakay ciidamada amniga Galmudug iyo ciidamada qaranku ku ekeeyeen goobo badan Al-Shabaab ay joogeen.

“Kooxda argagixisada Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay laga fashilayay isku-day weerar ismiidaamin ah oo lagu soo xiray gaari noociisu ahaa Land Cruiser oo ay argagixisadu ku doonayeen in ay ku hakiyaan dhaqaaqa ciidamada huwanta ah, balse Alla fadligii waxay ciidamadu qarxiyeen gaarigii dhagarta damacsanaa waxaana goobtii ku dhintay nafti halligihii gaariga qaraxa darawalka ka ahaa” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda Amniga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com