Wasiirka Amniga Galmudug oo ciidamo cusub ku wareejiyeey  Baro Koontorool oo ku yaalla Gaalkacyo

HomeWararka

Wasiirka Amniga Galmudug oo ciidamo cusub ku wareejiyeey Baro Koontorool oo ku yaalla Gaalkacyo

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Galmudug ayaa saakay si rasmi ah ugu wareejisay wasaaradda Maaliyadda Galmudug baraha kontoroolka Magaalada a Gaa

Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhallo, Daljir Garoowe (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Fadlan Caawi Hooyo Aamino Cabdiraxmaan oo Wiil Ku Xanuunsan Yahay (dhegayso)

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Galmudug ayaa saakay si rasmi ah ugu wareejisay wasaaradda Maaliyadda Galmudug baraha kontoroolka Magaalada a Gaalkayo,halkaas oo dhawaan Wasaaradad Amniga kala wareegtay maleeshiyaad gacanta ku haayay.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo qaaday si hawlihii canshuur uruurintu ay uga bilaabato ayadoo ay Goobjoog ahaayeen ciidamada ilaalada Canshuuraha Galmudug.

Munaasabadda mas’uuliyad kala wareegidda ayaa ka dhacday kontoroolka weyn ee Gaalkacyo, ayadoo wasiirka amniga Galmudug uu ku wareejiyey wasiiru-dawlaha wasaaradda Maaliyadda Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa xalay sheegay in Ciidamada Booliska Galmudug ay ku guuleysteen iay ka adkaadaan maleeshiyaad uu sheegay inay awood ku joogeen Magaalada Gaalkacyo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: