Wasiirka Amniga DFS oo Furay Shirka Isku xirka Howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (Sawiro)

Wasiirka Amniga DFS oo Furay Shirka Isku xirka Howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Saddex biloodlaha ee Isku xirka Howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaasoo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Laamaha Hey’adda Socdaalka ee Gobollada dalka, saraakiisha xarunta dhexe, Booliska, Gobolka Banaadir iyo Wasaaraddaha ay wadashaqeynta la leeyihiin.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow oo shirka furay ayaa boggaadiyay howlaha Hey’adda Socdaalka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa laamaha kala duwan, waxaana uu soo dhoweeyay shirarkan Hey’addu qabato saddexdii biloodba.

Inta uu socdo shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa waxqabadka Hay’adda, iyo Caqabadaha saddexdii bil ee la soo dhaafay, sidoo kale diyaarinta qorshaha saddexda bil ee soo socota.

Waxaa kaloo talooyin laga dhageysan doonaa Madaxda ka socda hay’adaha kale ee dowladda, Maamulka gobolka Banaadir, iyo Bulshada rayidka.

Diwaanka
Wararka daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com