Wasiir ka tirsan maamulka Hiirshabeele oo lagu dilay jowhar

HomeWararka

Wasiir ka tirsan maamulka Hiirshabeele oo lagu dilay jowhar

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa si kulul uga hadlay dil xalay Magaalada Jowhar loogu geystay Wasi

Xildhibaano Dalbay in Puntland Hub iyo Saanad lala Gaaro (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ka Badbaaday Isku Day Dil

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa si kulul uga hadlay dil xalay Magaalada Jowhar loogu geystay Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta Hirshabelle Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame.

Guddoomiye Cusmaan Barre ayaa u tacsiyadeeyay qoyska iyo Ehellada Wasiirka la dilay, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaannada iyo mas’uuliyinta kale ee Hir-Shabelele inay ka foojignaadaan qataraha uga imaan kara wax loogu yeero argagaxisada.

Hoos Ka Akhriso Qoraal dheer oo uu Guddoomiyaha soo dhigay bartiisa Facebook.

Anoo Ku Hadlaaya Magaceyga, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka WaxaanTacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Nur Xashi Warsame oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay ku dileen Caasimada Hirshabelle ee Jowhar xilli uu kasoo laabtay gudashada waajibka alle ee salaada cishaha.

Waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum xildhibaan Nur Xashi Warsame waxaana Alle uga Baryaa inuu
Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo.

Xildhibaan Nuur Xaanshi Waxa uu kamid ahaa odiyaasha baarlamaanka, waxa uuna ahaa nabadoon mar waliba kashaqeya Wanaaga iyo Horumarka Deegaanka.

Ugu dambeyn waxaan Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale ee Dowlada uga digayaa Qataraha Kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay kageysan karaan Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle, meel ugu soo wada jeesano kooxdaan yar ee caadeysatay Gumaadka Ummadda soomaaliyeed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: