Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ka Badbaaday Isku Day Dil

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ka Badbaaday Isku Day Dil

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in gaari uu saarnaa askari ka tirsan ciidamada booliiska laga helay walxaha qarxa.

Askarigan ayaa la sheegay inu ka tirsanaa ilaalada isu soobax uu ka qaybgalayay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka ayaa helay qalabkan qarxa waxyar kahor inta aysan bilaaban isu soo baxa oo ka dhici lahaa magaalada Siirit ee koofurbari

Ciidamada Turkiga ayaa bilaabay baaritaano waxaana la xirey askarigii watay gaariga waxyaalaha qarxa lagu soo xirey.Kooxaha baaritaanka ayaa sidoo kale hubiyay kamaradaha amniga ee gobolka.

Hase yeeshee Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeedinayay isu soo bax ka dhacay magaalada Siirt ayaa waxa uu ku sheegay in argagixisadu aanay meelna kaga jirin mustaqbalka dalkiisa iyo gobolkaba.

Waxa uu ku adkeystay in Turkiga uu sii wadi doono dagaalka uu ka wado gudaha iyo dibadda xuduudka inta uu ka saarayo argagixisada dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com