Wasiir Beyle oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

HomeWararka

Wasiir Beyle oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta oo Jimce ah waxa uu kulan gaar ah la qaatay safiirka Dowla

Ciida & Shacabka Garowe (Warbixin)
Ciidanka Booliiska dagmada Dayniile oo gacanta ku dhigay saddex nin oo Shabaab ah oo bajaaj ku watay qori RBG ah
Jubbaland oo hakisay ka qeybgalka Shirarka deyn Cafinta Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta oo Jimce ah waxa uu kulan gaar ah la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlen Arrimo ay ka mid ahaayeen sida dib u habeynta hanaanka Maaliyadda, iyada oo la tixraacayo heshiiskii Hay’adda IMF ee hagaajinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid guul ku dhamaaday,isla markaana uu rajeynayo in hagaajinta dhaqaalaha dalka uu sahli karo deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay taageerada uu na siiyo Mareykanka ee ku aadan dib u hagaajinta dhaqaaleheena, Xasiloonida Maaliyadeed iyo rajada miro dhalka ah ee deyn cafinta Soomaaliya ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dowladda Soomaaliya ayaa intii ay jirtay waxaa ay ku howlaneyd hagaajinta hanaanka maaliyadeed ee dalka,waxaana madaxda ugu sareysa dalka ay sheegeen in Soomaaliya ay ku dhow dahay in deynta laga cafiyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: