Xiisadii Baladweyne oo xal laga gaaray

Xiisadii Baladweyne oo xal laga gaaray

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa aqbalay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumad Carraale.

Kulamo waqti dheer qaatay kadib ayuu Yusuf Dabageed ugu dambeyntii aqbalay in uu xilka wareejiyo muddo bil ah kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay.

Muran ka dhashay xilka qaadista Yuusuf Dabageed ayaa sababay in uu ku dhinto gacan ka hadal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne taliyihii ciidamada gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee mudadii uu diidanaa inuu wareejiyo xilka guddoomiyanimada gobolka Hiiiraan Yuusuf Dabaged ayaa waxaa ku sugnaa magaalada Beledweyne Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com