HomeUncategorized

Wasaaradda waxbarashada Puntland oo daah-furtay sanduuq dhaqaale ee ardayda ka dhamaysata waxbarashada dugsiyada sare ee Puntland.

Caption ...

Magacyada Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso oo la Shaaciyay
Shan qof oo ku dhintay shil gaari oo xalay ka dhacay gobolka Karkaar.
Booliska federaalka oo beeniyey cabasho ay gaadiidlayda shabeelaha hoose ka muujiyeen isbaarooyin

Garowe, Oct 10 – Wasaaradda Waxbarashada dawladda Puntland ayaa maantay soo bandhigtay sanduuq dhaqaale loogu arruurinayo ardayda dhamaysata dugsiyada sare ee Puntland, si ay u helaan fursado waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland mudane Cabdulqaadir Yuusuf Nuur oo ka hadlay munaasabad lagu daah-furay barnaamijka sanduuqa dhaqaale arruurinta ardayda, ayaa sheegay in tallaabadani ay wax-wayn ka tari doonto hormarka waxbarasho ee deegaannada Puntland.

Md. C/qaadir Yuusuf Nuur ayaa shaaca ka qaaday in ardayda looga baahanyahay inay gudaan abaalka loo galay, oo ay wax-taraan dalkooda iyo dadkooda markay waxbarashada soo dhamaystaan, waxaana isagoo hadalkiisa sii wata agaasimuhu uu sheegay in barnaamijkaan loogu magacdaray “Bixi oo Bar”

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland C/qaadir Yuusuf Nuur ayaa sheegay in looga baahanyahay qof walba oo reer Puntland ah inuu sanduuqaasi ku deeqo wax allaale wixii uu awoodo dal iyo dibadba, waxaana uu intaasi ku daray in wasaaraddu ballanqaadayso lacagtaasi inay noqoto mid masuuliyadeeda si aad ah looga taxadari doono, isla markaana lagu fulin doono hawlihii loogu talagalay.

C/qaadir Yuusuf Nuur oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabad lagu daah-furay barnaamij dhaqaale loogu arruurinayo ardayda dhamaysata dugsiyada sare ee Puntland, xafladaasi oo lagu qabtay xarunta wasaarada waxbarashada Puntland ay ku leedahay magaalada Garoowe.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir-Garoowe http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: