HomeUncategorized

Taliyihii shalay lagu dhaawacay Bossaso oo xalay ku geeriyooday isbtitaalka Galkacyo, isla maantana la aasay.

Caption ...

Kulan lagu taageerayo shirka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ka dhacay Garowe (Sawiro)
Duqa magaalada Galkacyo oo aan ka waraysanay wafti ka socda QM oo Galkacyo kulamo kula yeeshay madaxda gobolka.
Wafti uu hoggaaminayo R/wasaare Gaas oo galabta gaaray Kenya, kana qaybgali doona shir khuseeya Soomaaliya oo ka dhici doona Nairobi.

Galkacyo, Oct 09 ? Alle ha u naxariistee Mursal Xaaji Saleebaan oo ahaa taliyaha ciidanka u gaarka ah ilaalada hay?adaha ee gobolka Bari ayaa maanta lagu aasay qabuuraha magaalada Galkacyo kaddib markii xalay xilli damde uu ku geeriyooday isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo.

Aaska taliyaha ee maanta waxaa ka qaybgalay dadweyne badan oo iskugu jira maamulka iyo qaybaha bulshada kuwaasi oo xabaaliddiisa kaddib u duceeyey rabbina uga baryey in uu u naxariisto.

Taliyaha ayaa u dhintay dhaawac xooggan oo ka soo gaaray madaxa kaddib maarkii rag hubaysani ay shalay ku weerareen magaalada Bossaso, waxaana weerarkaasi kula dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa.

Alle ha u naxariistee Mursal Xaaji Saleebaan, galinkii dambe ee shalay ayaa la soo gaarsiiyey magaalada Galkacyo isagoo dhaawac ah si loogula tacaal xaaladdiisa caafimaad, hase ahaatee saqdii dhexe ee xalay ayuu u naf-baxay dhaawacaasi.

Dilka taliyahaan ayaa qayb ka ah falal qorshaysan oo qaraxyo iyo toogasho iskugu jira kuwaasi muddooyinkii dambe ku soo kordhayey deegaannada Puntland, ayna ku dhinteen mas?uuliyiin badan oo ka tirsan hay?adaha dawladda, nabaddoono iyo indheer-garad kaleeto.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: