Wasaaradda Warfaafinta Somaaliya oo Muqdisho ku qabatay shir wadatashi ah

HomeWararka

Wasaaradda Warfaafinta Somaaliya oo Muqdisho ku qabatay shir wadatashi ah

Shirkani wadatashiga ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada M

DFS oo Dowladda Canada kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Weerarkii Jeexdin iyo Saamayntiisa Nabadda Gobolka Mudug (dhegayso)

Shirkani wadatashiga ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkani wuxuu socon doona muddo labo maalmood ah, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wasiirada warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradahaasi, waxaana sidoo kale goob joog ka ah Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka, waxaa kamid ah Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta Dalka ee la xiriirta Tabinta habka Warbaahineed iyo doorka looga wada qeyb qaadan karo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: