Wasaaradda Warfaafinta oo war ka soo saartay Wariye u xiran NISA iyo Sababta uu u xiran yahay

HomeWararka

Wasaaradda Warfaafinta oo war ka soo saartay Wariye u xiran NISA iyo Sababta uu u xiran yahay

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay xariga wariye Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo muddo 45 maalmood u xiran

Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 58aad-(dhegayso|daawo)
Golaha Wasiirrada DFS oo ansixiyey Magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo go’aamiyay hay’adaha caalamiga inay ku shaqayn karin goob ka baxsan dalka

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay xariga wariye Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo muddo 45 maalmood u xiran Hey’addaha Amniga, kaasoo ku eedeysan inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

War saxaafadeed Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Wariye Abuuja loo heysto inuu qeyb ka ahaa fal dil ah oo loo geystay Haweeney lagu magacaabo Baxsaneey Booleey, oo la dilay sanadkii hore 2019.

Hey’addaha amniga ayaa la sheegay i gal dacwadeedkisa u gudbinayaan hey’adaha Garsoorka ee shaqasa ku leh.

Bil ka hor ayaa Ciidamada NISA ay xireen wariye Maxamed Abduwahab Abuuja oo ka tirsan Idaacadda Hiigsi ee magaalada Muqdisho.

Ururada Saxaafadda ayaa dhowaan dalbaday in la sii daayo wariyahan, waxaana su’aalo ka dhashay mudasa 45 cisho uu xiran yahay oo aan wax Maxkamad ka horkeenin.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: