TOP SECRET: Yaa dilay AUN Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmarke, Mareykanku se muxuu ka ogaa?

TOP SECRET: Yaa dilay AUN Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmarke, Mareykanku se muxuu ka ogaa?

Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmaarke oo booqasho ku maraya magaalada Laas Caanood waxaa 15-kii Aktoobar 1969 toogasho ku dilay askari kamid ah booliskii ilaalada Madaxweynaha. 21-kii Aktoobar waxaa xukunka xoog kula wareegay Ciidamada Xoogga Dalka oo uu hoggaaminayo Sarreeyo Gaas Maxamed Siyaad Barre.

RW Maxamed Ibraahim Cigaal oo booqasho ku joogay Mareykanka, marayey Gobolka California, waxa uu Soomaaliya u soo duulay 20-kii Aktoobar 1969.

Sannadkii 1969 waxaa xawli u socda dagaalkii qoboobaa (1962-1979) iyo hardan xoog leh oo u dhexeeya Soofiyeetka iyo Mareykanka.

Haddaba su’aal taagan oo aan weli xal loo helin ayaa ah: Yaa abaabulay dilkii Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmarke? Dowladda Mareykanka iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Henry Kissinger maxay ka ogayeen, muxuu se Kissinger ka yiri? Maxaa kulmiyey dilka Madaxweyne Sharmarke, Afgambigii Siyaad Barre hoggaaminayey, iyo laabashada RW Cigaal?

Hoos kaga bogo warqad TOP SECRET ah oo shaacinteeda  Mareykanku oggolaaday sannadkii 2010.

 

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com