Golaha Wasiirada Soomaaliya oo go’aamiyay hay’adaha caalamiga inay ku shaqayn karin goob ka baxsan dalka

Golaha Wasiirada ee Soomaaliya oo kulankoodii todobaad lahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa go’aamiyay in hay’adaha caalamiga ee dalka ka howlgala aanay ku shaqayn karin goob ka baxsan Soomaaliya.

Go’aanka ay qaateen ayaa horay uga soo baxay Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga, waxaana lagu sheegay hay’addii amarkan u hogaansami wayda ilaa 1da Janaayo 2019, aanay dalka ka howlgali doonin.

Hay’adaha Caalamiga ee Soomaaliya ka howlgala ayaa badankood xafiiskooda waxaa uu yahay oo ay ku shaqeeyaan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com