Wasaarada Caafimaadka oo ugu baaqday shacabka inay iska tallaalaan Covid 19

HomeWararka

Wasaarada Caafimaadka oo ugu baaqday shacabka inay iska tallaalaan Covid 19

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaarada caafimaadka DFS waxay ku dalbatay in loo midoobo ka hortagga cudurka Coronavirus oo dhawaan dalka ku soo lab

Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Waddooyin ku Bur-buray Roobabkii ka Da’ay Gobolka Sool (Daawo)
Maxaa looga hadlayaa maanta shirka Wasiirada Jubbaland?
Dr. Sadiq Enow:”Doorashada Qof iyo cod waa in ay Puntland ka hirgasho “

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaarada caafimaadka DFS waxay ku dalbatay in loo midoobo ka hortagga cudurka Coronavirus oo dhawaan dalka ku soo laba kacleeyey, sidoo kalena la qaato tallaalka cusub ee cudurkaan.

“Culumadda dalka oo aan mar walba ku bogaadineyno dadaalka ay ka geystaan waciygelinta ka hortagga COVID-19, waxaan ku dhiirigelinaynaa in ay sii koojiyaan dadaalkaan oo bulshada ay la wadaagaan halista uu leeyahay cudurka COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda caafimaadka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in Saxaafadda madaxa-banaan iyo tan dowladda ay u aragta in doorweyn ay ku leeyihiin baraarujinta shacabka, isla markaana ay muhiim tahay inay ka hor-tagto wararka khaldan ee laga baahinaayo Tallaalka COVID-19.

“Warbaahinta waxaan ka codsanaynaa inay qaataaan mas’uuliyada ka saaran in ay soo xaqiijiyaan wararka aan xaqiiqda ahayn ee laga baahinaayo arrimaha tallaalka ee lagu khaldaayo shacabka iyo aragtidooda, taas oo halis sii gelin karta xaaladda caafimaad ee guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Akhriso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: