Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Waddooyin ku Bur-buray Roobabkii ka Da’ay Gobolka Sool (Daawo)

HomeWararka

Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Waddooyin ku Bur-buray Roobabkii ka Da’ay Gobolka Sool (Daawo)

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha xarunta Agoonta Caabudwaaq (Sawiro)
Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Jawaari oo Furay Maanta Kalfadhigii Afaraad ee Barlamaanka Jubbaland (dhegayso+Sawiro)
Fatahada Wabiga Shabeelle iyo Xaaladda Baladweyne (dhegayso)

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood. Daadadkii roobabka ayaa wadada gaarsiiyey bur-bur xoogan.

Deegaanada uu kormeeray Madaxweyne Ku-xigeenku waxaa ka kamid ah Buuro-wadal iyo dooxada Woow ee gobolka Sool, wadada waxaa soo gaadhay bur-bur xooggan oo aan laga fursanayn in si dhakhso ah waxlooga qabto, maadaama burburka wadadu ku fidaayo inteeda bedqabta.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, Guddoomiyaha gobolka Sool, Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: