Wareegtooyin ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntalnd

Wareegtooyin ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntalnd

Madaxweyne Siciid Cabdillahi Deni oo saacadihii aynu soo dhaafnay soo saaray illaa saddex wareegto oo magacaabis wasiir, isku baddel iyo guddoon maxkamad sare iskugu jira.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni saacadihii la soo dhaafay soo saaray wareegtooyin is dabajooga, kuwaasi oo wakhtiyo kooban ay u dhaxeeyeen.

Saddex digreeto oo uu soosaaray madaxweynuhu ayaa iskugu jiray xilka qaadis, xil u magacaabis iyo iskubaddellid masuuliyadeed oo wasaaradaha dawladda.

Illaa saddex wasaaradooda oo dawladda ayaa la isku shaandheeyey, loona kala baddelay wasiirrada, halka shan wasaaradood oo ah qorshaynta, Ganacsi, haweenka, xannaanada xoolaha iyo tamarta loo magacaabay wasiirro cusub.

Madaxweynuhu ilaa 8 agaasime guud ayuu magacaabay, kuwaasi oo ah wasaaradaha kala duwan ee dawladda, waxaana agaasimayaashii hore qaarkood ay horay u noqdeen xildhibaanno golaha shacabka taasoo keentay in booskoodii la buuxiyo, halkana kuwana shaqada toos looga qaaday.

Dhinaca kale madaxweynuhu waxaa isla maanta wareegto ku soosaaray guddoomka maxkamadda sare ee Puntland booskaasi oo muddo dheer bannaanaa, waxaana Axmed Taaraan oo horay u ahaa wasiirka tamarta Puntland, wasiirnimadiisa ka horna muddo dheer ka shaqaynayey garoonka siiba xafiiska xeer illaalinta.

Magacaabista iyo baddelidda wasiirrada ee uu sameeyey madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ahayd mid muddo dheer la hadal hayey, hase ahaatee wasaarado horay loo saadaalinayey in ag saamayn doonto ayaan ka dhex muuqan wareegtooyinkaan cusub ee madaxweynaha kuwaasi oo sidoodii hore loo daayey.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com