Waraysi Madaxweyne Gaas iyo Kulankii Safiirka Turkiga

HomeWararka

Waraysi Madaxweyne Gaas iyo Kulankii Safiirka Turkiga

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maant kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arri

Jabuuti oo ka jawaabtay eedeyntii uga timid DFS
Dibadbaxyada ka dhanka ah madxawayne Al-Bashiir oo sii socda
MARTISOOR: Xaalada siyaasadeed ee Puntland waa maxay dareenka ay qabaan dhalinyarda?

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maant kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Oglan Bakar. Kulanka ayaa lagu lafaguray arimo ay ka mid yihiin adkaynta xidhiidhka labada dhinac, abaaraha, amniga, dhisidda ciidan qaran, tababaro ciidan iyo ballanqaadyo dhawr ah oo ay Dawladda Turkigu damacsan tahay in ay Puntland ka fuliso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa warbixin ka siiyey Danjiraha waddanka Turkiga Mr. Oglan abaarta baaxadda leh ee ka jirta Puntland waxa uuna sheegay Madaxweyne Gaas  in ay Puntland ka jirto xaalad adag oo ay sababtay abaartu.

Ambassador Oglan Bakar ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin adkaynta iyo sii anbaqaadida xidhiidhka labada dhinac, isla markaana waxa uu ballanqaaday in ay dawladda Turkigu diyaar u tahay in ay dhawaan ka bilaabaan mashaaricyo horumarineed deegaanada Puntland, kuwaas oo salka ku haya kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland. 

Waxaa waraystay Jamaal Faarax Adan oo ku sugan xarunta Daljir Gaalkacyo.

Hoos ka dhegayso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: