Dibadbaxyada ka dhanka ah madxawayne Al-Bashiir oo sii socda

Iimaanka ugu saamaynta masaajidyada magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa waxaa ka horyimid dibadbaxayaal caraysan, kuwaasi oo ku qaylinayay inuu hogaamin dibadbaxyada looga soo horjeedo madaxwaynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay iimaamka oo laga tuuray bartii uu ku sugnaa, waxaana mid ka mid ah dadka dibadbaxyada wada uu ku qaylinayay Imaam Cabdul Xayi Yuusuf kac oo nagu hogaami dibadbaxyada socda.

Booliska Suudaan ayaa rasaas gaaska dadka ka ilmaysiiya  adegsaday dibadbaxyadii dhacay kadib salaaddii Jimcaha, waxaana asbuucii sadexaad socda dibadbaxyada looga soo horjeedo madaxwayne Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasi oo ay ku geeriyoodeen 22 qof dalka oo dhan, dowladda ayaa ku eedaynaysa inay dibadbaxyada dabada  ka riixayaan dowlado ajnabi ah.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com