Wararkii ugu dambeyeey ee Covid-19 ee Somaaliya

HomeWararka

Wararkii ugu dambeyeey ee Covid-19 ee Somaaliya

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 64 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 qofoo

Madaxweyne Deni: “Waa in loo midoobaa dagaalka Al-shabaab”
Dowladaha caalamka oo leh gaalo iyo muslinba kuligoodii oo qiray hormarka dowladda Soomaaliya (Faalo)
Ciidamo kawadda tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 64 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo 1 bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Somaliland 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween.

1,421 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: