Ciidamo kawadda tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Ciidamo kawadda tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Waxa ay Faah faahin ka soo baxeysa iska hor imaad barqanimadii maanta Muqdisho ku dhexmaray Ciidan ilaalo u ah Gudoomiyaha Yaaqshiid & Ciidan ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Iska Hor imaadkaan ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska sanca oo kala qaybiya degmooyinka Yaaqshiid , karaan iyo shibis halkaas oo ay uxirneyd ciidamada booliska .

Inta la ogyahay waxaa kugeeriyooday iska hor imaadkaasi hal askari oo magaciisa lagu soo koobay Abkoow kaas oo kamid ahaa ilaalada gudoomiyaha degmada yaaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed oo dhawaan degmadaasi loo magacaabay.

Iska hor imaadka ayaa waxa uu yimid sida dad goob joogayaal ah ay daljir u sheegeen kadib markii uu doonayay in uu ka gudbo gudoomiyaha degmada Yaaqshiid isgoyska sanca dhanka wada soo aada nasiib buundo oo u xirneyd ciidamada booliska , taasina ay kabiyo diiden ciidamadi booliska ee halkaasi joogay, waxaana muran soo kala dhex galay labadii ciidan halkaasina waxa ka bilowday israsaaseynta labada ciidan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com