Wararkii ugu dambeeyay ee Xiisada ka taagan Galmudug & Dowladda oo Digniin u dirtay beelaha dagaalamaya

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay ee Xiisada ka taagan Galmudug & Dowladda oo Digniin u dirtay beelaha dagaalamaya

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in awooddeeda oo dhan ay isugu gayn doonto sidii loo joojin lahaa dagaal maalmo ka socday inta u dhaxaysa Bal

Shilalka oo Ku Soo Badanaya Wada u Dhexaysa Boosaaso iyo Galkacyo (dhegayso)
MUUQAALKA BULSHADA: Doorashada Puntland iyo sida looga ilaalinkaro musuq maasuqa (dhegayso )
Daladda PUNSAA & Bulshadda Boosaaso

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in awooddeeda oo dhan ay isugu gayn doonto sidii loo joojin lahaa dagaal maalmo ka socday inta u dhaxaysa Balanballe iyo Guriceel oo ay dad badan ku dhinteen.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Maleeshiyaadka dagaallamaya dhowr mar loogu baaqay in ay joojiyaan dagaalka balse ay diideen haddana ay qorsheyanayaan in ay ciidamo kala dhex dhiggaan.

Waxaa uu sheegay in kooxaha dagaalkaasi abaabulaya aan la cafin doonin oo laga qaadi doono tilaabo Sharciga waafaqsan.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid ka dib markii degaanka Kaxandhaale oo ku dhow degmadda Balanbal ee Gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal sababay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac badan una dhaxeeyay labo maleeshiyo.

Dagaalkan oo ay ka qayb qaadanayeen Gaadiidka dagaalka oo ay kala wateen labada maleeshiyo beeleed ayaa sababay dhimashadda inta la xaqiijiyay 7 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 Ruux oo kale, waxaana dagaalku uu ka bilaawday isku dhac dhexmarray xoollo dhaqato kasoo kala jeeda labadda maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.

Dhaawacyadda labada dhinac ayaa lakala gaarsiiyay Isbitaaladda ku yaala degmooyinka Caabudwaaq iyo Guriceel ee Gobolkan Galgaduud.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: