UNICEF:  “2.6 milyan oo qof ayaa wajahaya biyo yari abaarta ka dhalatay Soomaaliya”

HomeWararka

UNICEF: “2.6 milyan oo qof ayaa wajahaya biyo yari abaarta ka dhalatay Soomaaliya”

UNICEF ayaa Jimcihii ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo baahiyaha biyaha ee Soomaaliya si wax looga qabto abaaraha xoogan

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Suuriya
Gaas oo Mashaariic Gaalkacyo Dhagax Dhigay oo London u Dhoofay
Taliye Ku-xigeenka NISA iyo Maareeyayayaasha Garoonka iyo Dekedda Muqdisho oo La Magacaabay

UNICEF ayaa Jimcihii ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo baahiyaha biyaha ee Soomaaliya si wax looga qabto abaaraha xoogan ee ka jira gudaha Soomaaliya oo biyo yari sababay.

Ilaa 2.6 milyan oo qof ayaa wajahaya biyo la’aan sababo la xiriira xaalado abaareed oo daran oo ka jira Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay UNICEF.

“Biyo la’aanta iyo xaaladaha abaareed ayaa sabab u ahaa kororka qiimaha biyaha taasoo keentay barakac, cudurrada shubanka iyo nafaqo-xumada ee qaybo badan oo Soomaaliya ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Gobollada sida ba’an u saameysay abaaraha xilligan ee Soomaaliya waxaa ka mid ah Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug iyo qeybo ka mid ah gobollada Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Hiiraan.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool 66 degmo ay u baahan yihiin adeegyo biyo-badbaadin ah oo degdeg ah.

“Haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin adeegyada Fayadhowrka iyo Nadaafadda, in ka badan 3 milyan oo qof ayaa baahi weyn u baahan doona dhammaadka Maarso 2022 mana heli doonaan ugu yaraan biyaha looga baahan yahay maalin kasta 45L qoyskiiba,” sida ay sheegtay UNICEF.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: