Wararkii Ugu Dambeeyay ee Xiisada Gobolka Galgaduud

HomeWararka

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Xiisada Gobolka Galgaduud

Xaaladda deegaanka Bohol ee duleedka Dhuusamareeb, ayaa maanta deggan, halkaas oo shalay ay ku dagaallameen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahl

Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Cadaado (dhegayso)
Faahfaahin iscasilaadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan (Akhriso)
JIGJIGA: Madaxweyne Mustafe Cagjar oo xariga kajaray Dugsiga Sare ee magaalada Hartasheekha (daawo)

Xaaladda deegaanka Bohol ee duleedka Dhuusamareeb, ayaa maanta deggan, halkaas oo shalay ay ku dagaallameen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Dagaalkasi ayaa la sheegey inay ku dhinteen toban qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen labaatan kale, oo dhinacyadii dagaallamayay ay ku jiraan.

Dagaalka ayaa bilowdey kadib markii ciidamo Ahlu Sunnah ka tirsan ay fariisin ka sameysteen duleedka Dhuusamareeb, halkaasoo ay weerareen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Inkastoo ay xaaladu degen tahay hase yeeshee waxaa jira cabsi laga qabo in dagaalka uu markale uu ka dhex bilowdo labada dhinac.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay xoojin ciidan wadaan iyadoo ay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horaantii bishii hore ay ku laabteen deegaanada maamulka Galmudug ayna abaabuleen ciidamo daacad u ah oo ay sheegeen in ay qaadayaan guluf ka dhan ah dagaalyahanada Al Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: