Wararkii Ugu Dambeeyay ee Xaalada Magaalada Guriceel

Wararkii Ugu Dambeeyay  ee Xaalada Magaalada Guriceel

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in cabsi xoog leh oo dhinaca ammaanka ah ay soo wajahday qoysaska ku haray magaalada.

Cabsidan ayaa timid kadib markii duqeyda dhaqanka iyo waxgaradka magaalada Guriceel uu ka biyo diiday madaxa Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir iyagoo ka codsaday in maleeshiyada Ahlu Sunna ee dhufeysyada ka qodotay magaalada uu ka saaro.

Duqeydan ayaa sheegay kadib markii ay ku hungoobeen in maleeshiyada Ahlu Sunna laga saaro magaalada in xalka magaalada Guriceel ay u taal Madaxweynaha Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com