Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Itoobiya &  Goobaha  Waxbarashada oo la xiray

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Itoobiya & Goobaha Waxbarashada oo la xiray

Madaxda Sare ee dalka Itoobiya ayaa xiray dhammaan dugsiyada sare ee ku yaalla dhamamaan ismaamulada iyo caasimada. Dowladda ayaa ku sheegtay saba

ISKUSHUBAN, PUNTLAND: Maxaad ka Taqaana Taarikhda Juquraafi ahaan degmadda Iskushuban ee Gobalka Bari
Qarax kadhacay Nairobi oo khasaare dhaliyay
Puntland oo samaysay Taakuladda Ololalaha ka hortaga Caronavirus.

Madaxda Sare ee dalka Itoobiya ayaa xiray dhammaan dugsiyada sare ee ku yaalla dhamamaan ismaamulada iyo caasimada.

Dowladda ayaa ku sheegtay sababta in ardaydu ay dadka beeroleyda ahi ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada.

Wasiirka waxbarashada Itoobiya ayaa sheegtay in dugsiyada sare ay xirnaan doonaan muddo hal usbuuc ah oo ka billaabanayso isniinta soo socota.

Waxaa uu sheegay in dad badan oo ka shaqeyn jiray beeraha iyo soo gurida dalagyada ay ku biireen dagaalka ka dhanka Kooxda TPLF.

In ka badan laba milyan oo arday ah ayaa horay uga maqnaa dugsiyada dalkaasi sababo la xiriria colaadda dalkaasi oo sanad ka hor ka soo billaabatay gobolka woqooyi ee Tigray

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: