Wararkii ugu dambeeyay ee Galmudug & Xiisad ka taagan Guriceel

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay ee Galmudug & Xiisad ka taagan Guriceel

Wararka naga soogaaraya degmada Guriceel aya shegaya in saaka halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal uu dhexmaro ciidama

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo magacaabay guddiga doorashoyinka xildhibaanada gobolada Waqooyi
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)
Wararkii ugu dambeyeey ee xaladda Dalka Suudan (dhegayso)

Wararka naga soogaaraya degmada Guriceel aya shegaya in saaka halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal uu dhexmaro ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu sunna oo kusugan Guriceel.

Ciidamada Ahlusunna ayaa difaacyo ka sameystay gudaha iyo banaanka degmada Guriceel, si ay isaga difaacaan hadii uu weerar kaga yimaado dhinaca Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Boqolaal qof ayaa wali ka maqan guryahooda, waxaana xiran intabadan goobha ganacsiga, iyadoo daku ay cabsi ka qabaan in dagaal uu dhaco.

Maalmihii la soo dhaafay degmada Guriceel ayaa waxaa ka barakacayay dadkii ugu badnaa, waxaana la sheegay inay ka barakaceen in ka badan Kun qoys, kuwaas oo haatan barakac ku ah degaano hoostaga degmada Guriceel.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan waxaa ay ka wadaan duleedka degmada Guriceel taas oo cabsi ku abuurtay Bulshada Magaalada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: