Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalka Boosaaso (daawo)

Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalka Boosaaso (daawo)

Magaalada Boosaas waxaa ka bilowday manata dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuwa Ciidamada Hay’adda PSF ee daacada u ah Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dagaalka ayaa salka ku haaya xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland uu ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, wuxuuna dagaalku ka socodaa Xaafada ay Ciidamada PSF ka degan yihiin magaalada.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 Ruux oo Saddex kamid ah yihiin Ciidamada Amaanka Puntland iyo laba qof Shacab ah oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Boosaaso.

Kaantaroolka Boosaaso oo ah jidka laga galo magaalada, lagana baxo ayaa la xiray, iyada oo is rasaaseynta ciidanka dowladda iyo PSF weli ay socoto.

Xaafada Suwayta uu dagaalka ka socdo ayaa waxaa ku yaalla Xarumo muhiim ah sida, dekedda, haamaha-shidaalka, madaxtooyada, xarunta PSF iyo xaafado ay dagan yihiin Dad Shacab ah.

Inta badan daddkii deganaa xaafadaha ka ag dhow goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa isga barakacay.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka culus, waxaana ciidanka Puntland ee soo gaaray gurmay.

Isimada Puntland ayaa dhawaan khilaafka xilkaqaadista Agaasimaha PSF go’aano kasoo saaray, balse dowladda ayaa dhankeeda ku gacan seyrtay.

Lasoco wixii kusoo kordha warkan.
Daawo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 5
  • Ahmed 2 years ago

    Asc
    Marka u horeysa waa wax laga naxo oo laga xumaado in dagaal ka dhaco puntland. Hase yeeshee wadanka dowlad baa ka jirta,,haday qof xil ka qadana cidi kama hadli karto. Ciidan aan dowlada hoos imaana ma joogi karo Puntland.
    Haday dagaalamaana waa mooryaan cadaysatay inay puntland dumiyaan.
    Sidaasi waa sida aduunka qaanuunkiisu qabo. Wixii kale waa wixii Somalia ki burburtay.

  • Runtii waa nasiib daro in manta hooyadii putland lagu dagaalamayo

  • Yoonid 2 years ago

    Aad baan uga xumahay daljir sida ay hadalka u dhigeen ee  ka fog xaqiiqda, ciidan daacad u ah Madaxwayne Dani iyo ciidanka Psf!! Madaxwayne Dani miyuusan ahayn Madaxwaynaha Puntland ahna taliyaha guud ee ciidanka Puntland? Ciidanka PSF miyaysan ahayn ciidan ka mid ah kuwa Puntland oo inyaroo ka mid ah ay gadoodeen? War waxaad qoraysaan ka fiirsada dadka idin soo boowanayana ixtiraama kalana saara mucaarada aad ku tihiin Dani iyo jiritaanka iyo sharaf ka Puntland.

    • Daljer woo ku saxanyahye sida oo u dhigaye hadalka

    • Ceelkii Burtinle 2 years ago

      Boowe Runtaa la sheegi… Deni ciidamo u daacada weeye… Puntlandna isagaa burburiyey….

      Farmaajo ayuu xiniinyahay heystay 3 sano, puntlandna waa uu ilowbay…

      Boosaaso maanta waa cidla, Ganacsigii oo dhan waxaa loo raray koonfur iyo Waqooyi….

      Dekedii Boosaaso waxaa loo xiray si ay DP uga macaashto Berbera…Waxay aheyd arin isaaq iyo Imaaraadku ku heshiiyeen, in la hakiyo Boosaaso meceeshada iyo alaabta ka soo degta si sare loogu qaado dhaqaalaha Berbera….Deni iyo Abdiweli Muran labaduba waxay qaateen xoogaa guno ah…

      PSF dalka hala wareegto, Baarlamaanka hala kala diro, Doorashana haloo dhaqaaqo… Guul Puntalnd.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com