Bashiir Goobe oo beeniyay eedeeyn uu Taliyaha Ciidamada Badda u Jeediyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Bashiir Goobe oo beeniyay eedeeyn uu Taliyaha Ciidamada Badda u Jeediyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Wasiirka Howlaha guud xukumada federalka Soomaaliya Sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa beeniyay eedeeyn uu taliyaha ciidamada badda Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir uu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu dhisanayo dhul ay leeyihiin ciidamada badda Soomaaliyeed.

Sarreeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac “ ” ayaa sheegay in eedaynta taliyaha ciidanka badda ay ku noqotay argagax ayna tahay mid ka baxsan anshaxa ciidamada.

Waxa uu sheegay in ogaanshihiisa dhulkaasi aanu ahayn dhul ciidan. Waxa uu sheegay in dhulkaasi yahay dhul “yar” oo u dhexeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga.

“Ogaanshihayega iyo taariikhda wadanka aan ku aqaano, dhulkaan waxaa iska leh Dekedda oo ma aha dhul ciidanka badda leeyahay, Dhismaha Safaaradda Turkiga ayaa ahaan jirtay Taliska Ciidanka Badda balse Xukuumaddii Kacaanka ayaa ka wareejisay loona wareejiyay halka loo yaqaan Mariina” ayuu yiri Bashiir Goobe.

Taliyaha Ciidanka Badda Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dhismo gaar ah ka dhisanayo Dhul uu sheegay in ay leeyihiin Ciidanka Badda.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha hase yeeshee eedeeyntan loo jeediyay Rooble iyo qoraal shalay la soo dhigey baraha bulshada ayaa u muuqda in uu soo ifbaxayo khilaaf hor leh oo u dhexeeya Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaaraha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com