Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha qaraxyadii Muqdisho

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha qaraxyadii Muqdisho

Allaha u naxariistee qaraxyadii maanta duhurnimadii kadhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday labaatan qof, waxaana ku dhaawacmay afartan ruux oo rayid iyo ciidamo isugu jira.

Weeraradan oo laba ahaa ayaa ka kala dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho iyo Daljirka Daahsoon.

Saraakiisha Caafimaadka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay dhimashada inta la hubo oo ah labaatan iyo dhaawaca afartanka ruux.

Wariye Cawil Daahir Salaad iyo wariyeyaal kalle oo katirsanaa telfishinka Universal ayaa ku geeriyooday qaraxyadan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0