Qoor Qoor oo shir gudoomiyay Kulankan oo looga hadlayay adkaynta & xoojinta Amniga Degmada Xarardheere

Qoor Qoor oo shir gudoomiyay Kulankan oo looga hadlayay adkaynta & xoojinta Amniga Degmada Xarardheere

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo maalintii shanaad ku sugan Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa shir gudoomiyay Kulan looga hadlayay adkaynta & xoojinta Amniga Degmada Xarardheere iyo xoraynta Deegaanada kale ee Al-Shabaab ka joogaan Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gaashaandhigga JFS C/qaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Maxamed Tahliil Biixi, Maamulka Degmada Xarardheere iyo Saraakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan

Madaxweynaha Galmudug QoorQoor ayaa xog dhameystiran ka dhageystay Saraakiisha Amniga Degmada iyo qorshayaasha ka socda ee ku aadan dagaalka Al Shabaab looga saaray meelaha ay uga sugan yihiin dhulka howdka iyo bacadka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com