HomeUncategorized

Waqooyiga Kuuriya oo xusaysa sanadguuradii 70-aad ee ka soo wareegtay maalintii uu dhashay hogaamiyihii geeriyooday ee dalkaasi Kim Jong-il

Pyongyang,Feb 16 -Guud ahaan dalka waqooyiga Kuuriya ayaa maanta laga xusayaa sanad-guuradii 70-aad ee ka soo wareegtay maalitnii uu dhashay hogaamiyihii hore ee dalkaasi Kim Jong-il, oo dhowaan geeriyooday,waxana maanta loogu magacdaray ? maalintii xiddigii ifayey?.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somaliya oo ku baaqay in dib u dejin loo sameeyo dad ka barakacay agagaarka madaarka Muqdisho.
DHEGEYSO-Warbixin iyo waraysiyo kahadlaya dagaalkii Galkacyo iyo xaaladda caawa.
Weriye Batuun oo aan ka waraysanay mudaharaado ka dhacay Hargeysa. [Dhegaysi …]

Pyongyang,Feb 16 -Guud ahaan dalka waqooyiga Kuuriya ayaa maanta laga xusayaa sanad-guuradii 70-aad ee ka soo wareegtay maalitnii uu dhashay hogaamiyihii hore ee dalkaasi Kim Jong-il, oo dhowaan geeriyooday,waxana maanta loogu magacdaray ? maalintii xiddigii ifayey?.

Inkastoo cimiladu ay xuntahay ayaa hadana dadku aroortii hore ee maanta oo khamiis ah isugu yimaadeen dhismaha weyn ee Kim Il-sung ee ku yaalla magaalada xarunta ah ee Pyongyang.

Hawlaha lagu weyneynayo hogaamiyihii Kim Jong-il oo bishii december geeriyooday ayaa kor loo qaaday asbuucyadii ugu dameeyey.

Waqooyiga Kuuriya ayaa arbacadii shalaytole sheegtay in hogaamiyihii geeriyooday lagu abaalmariyey derejada ugu saraysa ee abaanduulka sare oo ah derejo uu hore u haystay aabihii hogaamiyihii geeriyooday oo lagu magcaabijiray Kim Il-sung.

Wixii ka dameeyey geerida hogaamiye Kim Jong-il waxaa dowladda waqooyiga Kuuriya wadday xaflado iyo qorshayaal lagu maamuusayey hogaamiyaha geeriyooday ,waxana loo sameeyey heeso, halkudhigyo ,farshaxano iyo xataa in sawirkiisa lagu daabacay lacagta.

Hogaamiyaha dhalinyaradaha ee dalka waqooyiga Kuuriya ayaa xafladahan maanta uga faa?iidaysanaya in uu sumcaddiisa kor ugu qaado.

Abdirashid Musse Sa’eed

Daljir Bosaso. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: