Xidigaha xulka Mudug oo eedeeyey Guddoonka ciyaaraha & tababaraha xulka kubadda cagta ee gobolka Mudug.

Galkacyo, Feb 17 – Qaar ka mida ciyaartoyda xulka gobolka Mudug uga qayb galay tartanka ciyaarihii kubadda cagta gobolada Puntland ee 2012 ayaa eedeeyey guddoomiyaha ciyaaraha gobolka Mudug Cabdi Hodan Dayax-leef iyo macallimka xulka kubadda cagta Asad C/raxmaan Dibay.

Ciyaartoyda oo ka hadlayay kulan marti sharaf oo uu soo abaabulay Layte oo ah nin muddo ku soo dhex jiray ciyaaraha gobolka Mudug isla markaana u taagan xilka guddoomiyaha ciyaaraha & dhallinyarada gobolka Mudug.

Ciyaartoyda dhaliilay guddoonka iyo tababaraha xulka oo ay ka mid yihiin xidiga Fahad Muuse Jaalle oo difaaca ka tirsan iyo xidigaha C/rashikd Cali Qood iyo Sade ayaa gudoonka ciyaaraha ku dhaliilay arrimo ay ugu horeeyaan ka warqab la’aan aysan safarkoodii ka warqabin markii ay Garoowe ka soo tageen.

Xidigaha Mudug ayaa sidoo kale macallimka xulka Mudug ku tilmaamay mid aan waxba kala socon, lana joogin balse ciyaaraha ay ku soo baxeen dadaal ciyaartoyda ka yimid iyo nasiibka oo keenay.

Kabtan ku xigeenka ayaa xulka gobolka Mudug C/kaafi Af-balaar ayaa sheegay dhanka kale in aysan jirin waxaa sidaa u buuran oo ay ku
eedeynayaan maamulka iyo macallimka xulka gobolka Mudug balse haday jiraan cid wax qabanaysa in ay soo dhawaynayaan.

Eedeynta guddoonka iyo cambaaraynta tababaraha ayaa haddii ay sii socoto waxaa la arkaa in ay is-casilaan guddoonka iyo tababaraha xulka kubadda cagta ee Mudug.

Xulka gobolka Mudug ayaa ka mid ahaa kooxaha ugu cadcad tartanka ciyaaraha gobollada Puntland ee 2012, balse nasiib darro ku haray wareegii semifaynalka.

C/risaaq Cali Silfar
Daljir, Galkacyo. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com