Wakiilka Cusub ee OIC oo waraaqaha Aqoonsiga laga gudoomay

Wakiilka Cusub ee OIC oo waraaqaha Aqoonsiga laga gudoomay

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Agaasimaha guud ee cusub Xafiiska ururka iskaashiga islaamka ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi, ayaa xafiiskiisa kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga Agaasimaha guud ee cusub ee Xafiiska Ururka Iskaashiga islaamka ee Soomaaliya, Mudane Mohamed Bamba.

Intii uu socday kulanka, waxay ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga iyo iskuduwidda ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhinacyada bani’aadannimada, arrimaha bulshada, siyaasadda iyo amniga ee ku aaddan wax wadaag istiraatiijiyadeed iyadoo la raacayo barnaamij la jaan-qaadaya ballaarinta howlaha xafiiska.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com