HomeUncategorized

Wafti uu hoggaaminayo duqa degmada Gaarisa oo si wayn loogu soo dhaweeyay Garowe (Daawo Sawiro)

Garowe, Janu, 21 - Wefdi uu hor kacayey duqa degmada Gaarisa ee gobolka woqooyi bari e dalka kenya, Ismaa'iil Maxamed (garey), uuna ku wehliyey gudoomiyaha guddiga KMG ah ee maamul u sameynta gobolada jubbooyinka iyo gedo Shiikh Khaliif Guure Cali ayaa maanta saladdii duhur bacdigeed lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe,

Yemen oo sheegtey in aysan ciidammo u soo direyn Somaliya. [Akhris …]
Xukuumadda Puntland oo digniin u dirtay maamulka Soomaaliland.
Gudoomiye Tigey oo ku noqday Mudug waxqbadna ku amaanay Jaaliyada gobolka ee dibedda (Maqal)

?

Garowe, Janu, 21 – Wefdi ?uu hor kacayey duqa degmada Gaarisa ee gobolka woqooyi bari e dalka kenya, Ismaa’iil Maxamed (garey), uuna ku wehliyey gudoomiyaha guddiga KMG ah ee maamul u sameynta ?gobolada jubbooyinka iyo gedo Shiikh Khaliif Guure Cali ?ayaa maanta saladdii duhur bacdigeed lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe, waxaana duleedka kkorfureee ?magaalada Garoowe uga hor tegey mas’uuliyiinta maamulka gobolka Nugaal iyo ?degmada, iyo sidoo kale boqolaal dadweyne ah oo u badnaa haween caleemo qoyan ruxayey.
?
Soo dhaweyntaas ka dib ayaa duqa degmada Garoowe C/casiis Nuur cilmi koor waxa uu ka warbixiyey wefdiga maanta soo gaaray magaalada Garoowe, isagoo ku tilmaamay imaatinka wefdiga mid ku saleysan is kaashi dhex mara magaalooyinka Garoowe iyo Gaarisa.
?
Duqa Degmada Gaarisa ee Gobolka wooyi bari ee dalka Kenya Ismaa’iil Maxamed garey oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in booqashadooda ay kasoo bilaabeen magaalada Gaalkacyo ayna kulammo lasoo qaateen maamulka Gaalkacyo ee dhinaca Puntland, wuxuuna intaas ku daray in booqashada Garoowe ay la mid tahay tan ay gaalkacyo kusoo mareen, taasoo ku salaysan isbarasho maamul iyo wada tashi ku aaddan sidii ay uwada shaqeyn lahaaleen labada dhinac.
?
Dhinaca kale gudoomiyaha guddiga KMG ah ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka Shiikh Khaliif Guure Cali oo kamid ahaa wefdiga ayaa sheegey in uu uyimid Puntland arimo quseeya maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka, inkastoo uusan faah faahin dheer uusan ka bixin qaabka wada tashi ee jubbooyinka.
?
Socdaalka uu wefdigaan ku yimid magaalada Garoowe ayaa kusoo beegmay xilli muddooyinkii ugu dambeyey ay socdeed olole loogu jiray sidii gobolada jubbooyinka iyo Gedo loogu sameynlahaa maamul ay u dhanyihiin goboladaasi.
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: