Wasiirka Gaashaan dhiga Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegay in ay wadanka Turkigu ugu deeqay tababaro Ciidan.

Wasiirka Gaashaandhiga Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) oo safar ugu? maqnaa wadanka dibaddiisa gaar ahaa dalka turkiga ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegey muddadii uu joogay dalka Turkiga in uu kulamo la qaattay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Turkiga, islamarkaana ay ka wada hadleen sidii ay Soomaaliya uga taageerilahayd dhanka Ammaanka, wuxuuna intaas ku daray in Dawladda turkigu ay u balan qaadday in ay Soomaaliya ka caawin doonto tababarrada ciidamada qeybohooda kala duwan.

Wasiirka ayaa sheegey in mar dhaw is bedel muuqda lagu sameyndoonno ciidamada Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Daljir Garoowe

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com