Wafdi ka socda kenya oo u tagay Muqdisho dib u fasixida qaadka

HomeWararka

Wafdi ka socda kenya oo u tagay Muqdisho dib u fasixida qaadka

Xoghayaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, booqashad

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal oo digniin Culus u diray Duqa Garoowe (Warsaxafadeed)
Wasiirkii hore ee deegaanka Puntland ” Wasaarada waxaa lagu leeyahay deen dhan 17,665 doolar ” (dhegayso )
MAANHADAL: ABAARTA IYO BIYO LA’AANTA KA JIRTA DEEGAANNADA KALA DUWAN PUNTLAND

Xoghayaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, booqashada wafdigan oo aheyd hal maalin ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa wafdigan ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha loo horumarin karo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo muddooyinkii u dambeeyay xiriirkooda mugdi galay.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in wafdiga Kenya ay kala hadleen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha dibadda, sidii dib loogu bilaabi lahaa Qaadka laga keeno Kenya oo dowladda joojisay tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu bilowday Cudurka Corona, balse dowladdu dhowaan fasaxday qaadka laga keeno dalka Itoobiya.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0