HomeUncategorized

Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Maanta xiran

Sabti, Abriil 04, 2015 (Daljir) — Qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa saaka xiran; kaddib markii waddooyinkaasa la dhigay ciidan ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

?Waan soo dhawyneynaa go?aamadii kasoo baxey shirkii Neyroobi? Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/laahi Cali Ciid.
Baahin: Salaasa, May 15, Maxamed C. Kuuriya ~ Daljir ~ Bossaso. Maxaa sababay in Issimada Puntland ee ka qayb galayey shirka madax dhaqameedka Somalidu ay ku soo laabtaan Garowe? Wasiir al dawlaha dastuurka ee dawlada federaalka ah oo beeniyey in Issimada Puntland ay Garowe ku laabteen; Iska-horimaad khasaare dhimasho & dhaawacba leh oo ka dhacay Hargeysa; Kuwait oo deeqo waxbarasho & tababaro macallimiin u fidisay Somaliya; Wasiirka waxbarashada ee dawlada federaalka ah oo ka hadlay.
DHEGEYSO-Barnaamijkii ciyaaraha Daljir ee Sports News.

Sabti, Abriil 04, 2015 (Daljir) — Qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa saaka xiran; kaddib markii waddooyinkaasa la dhigay ciidan ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Waddooyinkan ayaa waxaa ka mid ah, Jidka Soddonka, Jidka Warshadaha iyo sidoo kale qaybo ka mid ah waddada Maka Al-mukarama; iyadoo aanay illaa hadda wax hadal ah ka soo saarin hay’adaha amniga dowladda sababaha waddooyinkan loo xiray.

Sidoo kale, waddooyinkan oo isku socodka dadka iyo gaadiidka muhiim u ah ayaa laga celinayaa gaadiidka, iyadoo maalmahanna ay ciidamada amnigu ka wadeen waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood.

Dadweyaha iyo ardayda ayaa sheega marka waddooyinka la xiro inay dhib weyn ku qabaan ciidamada, maadaama aysan halkaas mari karin, si ay u gaaraan goobahooda ganacsiga iyo goobaha waxbarshada.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo doladda Somalia ay sheegtay inay dajisay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga guud ee Muqdisho ayna uga hortagayso weerarrada Al-shabaab.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: