Site icon Radio Daljir

Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Maanta xiran

Sabti, Abriil 04, 2015 (Daljir) — Qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa saaka xiran; kaddib markii waddooyinkaasa la dhigay ciidan ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Waddooyinkan ayaa waxaa ka mid ah, Jidka Soddonka, Jidka Warshadaha iyo sidoo kale qaybo ka mid ah waddada Maka Al-mukarama; iyadoo aanay illaa hadda wax hadal ah ka soo saarin hay’adaha amniga dowladda sababaha waddooyinkan loo xiray.

Sidoo kale, waddooyinkan oo isku socodka dadka iyo gaadiidka muhiim u ah ayaa laga celinayaa gaadiidka, iyadoo maalmahanna ay ciidamada amnigu ka wadeen waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood.

Dadweyaha iyo ardayda ayaa sheega marka waddooyinka la xiro inay dhib weyn ku qabaan ciidamada, maadaama aysan halkaas mari karin, si ay u gaaraan goobahooda ganacsiga iyo goobaha waxbarshada.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo doladda Somalia ay sheegtay inay dajisay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga guud ee Muqdisho ayna uga hortagayso weerarrada Al-shabaab.

 

Daljir.com

Exit mobile version