HomeUncategorized

UNHCR ?42 kun oo magangelyo doon Soomaali ah baa galay dalalka deriska ah sanadkii tegey?

Nairobi, January 29, 2014 - Hay?adda qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa mar kale ka digtay in qaxootiga dhadhaab dib loogu celiyo halkii ay asal ahaan ka yimaadeen oo ah gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dhaawacay Muqdisho.
Saddex ka mid ah culimada Tabliiqa oo ku dhintay shil maanta ka dhacay duleedka Qardho (Dhegeyso)
Waxgaradka Jubbaland oo ka soo horjeestay Nidaamka 4.5-ka

Nairobi, January 29, 2014 – Hay?adda qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa mar kale ka digtay in qaxootiga dhadhaab dib loogu celiyo halkii ay asal ahaan ka yimaadeen oo ah gudaha Soomaaliya.

UNHCR waxay tilmaantay in ay xaalada nololeed iyo tan bini?adanimo ee gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka ay tahay mid hagaagsan, in kastoo weli xaaladu tahay mid cakiran oo aan la isku wada hadalyn karin.

Qoraal ka soo baxay hay?adda ayaa lagu xusay inay jiraan isku dhacyo hubaysan iyo xadgudubyo waa wayn oo ka dhan ah xuquuqda dadka oo ka dhaca dalka, mar kasta waxaa la filan karaa dagaal meelaha qaar, sida war-bixintu leedahay

UNHCR ayaa ugu dambayn sheegtay in 42.000 oo qaxooti soomaali ah oo magan-gelyo doon ah ay galeen dalalka deriska la ah Soomaaliya sanadkii hore, Sucuudi Arabia oo dad badan soo tarxiilay ayaa hay?adu dhaliishay iyadoo xustay in arintaas ay tahay mid culus

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

??

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: